Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa wali duqeymo xoogan ka fulinaya deegaano dhaca koofur gobalka Mudug gaar ahaan deegaanada hoos yimaada degmada Xaradheere ee gobalkaasi.
War kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi khasaare xoogan lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan Xarakaa Al shabaab oo ku sugnaa deegaano hoos yimaada degmada Xaradheere.
Dhan kale diyaaradaha Mareykanka ayaa hawada sare ee deegaanada dhaca koofurta gobalka, ku daadiyay Waraaqado ay ku qoran yihiin in shacabka ku dhaqan halkaasi ay yareeyaan dhaq dhaqaaqa isku socodka gadiidka ee halkaasi ka shaqeeya, sababa la xiriira duqeymahaasi in ay socon doonaan sida laga dheehan karay waraaqadahaasi mudo ku Siman ilaa iyo maalmood oo duqeymo toos ah.
Dowladda Mareykanka gaar ahaan taliska ciidamadeeda ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa waday saddexdii maalin ee ugu danbeysay duqeymo diyaaradeed oo lagu weerarayay Xurumaha Al shabaab.
Dhanka Xarakada Al shabaab ee taabacsan Alqaacidda, wali wax war ah kama soo saarin duqeymaha halkaasi ka dhacayay iyo kuwa kale ee lagu goodiyay in ay socon doonaan ilaa shan maalin oo kale.

