Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo Eedeen u Jeedisay Al-shabaab+Dhageyso

0
Xoogag katirsan Xarakada Al shabaab

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa eedeen u jeedisay dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ee Soomaaliya Ka dagaalama.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga ee dowladda  Federaalka Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Cabdinaasir Siciid Muuse(Bahay) oo ka hadlayay munaasabad lagu xasayay Maalinta Caruurta aduunka ayaa sheegay Al-shabaab ay askareeyaan Caruurta aan qaan-gaarin,islamarkaana ay u adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamadda Dowladda iyo AMISOM.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso in ay xanaano iyo daryeel helaan Caruurta lagu soo qabto dagaaladda Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,islamarkaana dhankooda aysan askareynin Caruurta aan qaan-gaarin.

Hay’adaha u dooda xaquuqda caruurta ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab askareynta Caruurta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here