Midowga Yurub oo Waqtiga u Kordhiyay Tababarada uu Siiyo Ciidamada Soomaliya

0

Ururka Midowga Yurub ayaa kordhiyey muddada howlgalkiisa Somalia, waxa uuna gaarsiiyey ilaa iyo 31-da bisha December sanadka 2020, sidoo kale midowga Yurub ayaa sheegay in miisaaniyad dhan €22.9 million oo Euro ay ku baxeyso howlgalkooda oo ay muddadiisu tahay 1-January 2019 ilaa 31- December 2020-ka.

Midowga Yurub ayaa kordhinaya taageeradiisa Somalia ee dhinacyada siyaasadda iyo istiraatiijiyadda heerka military si hormar loo gaarsiiyo ciidamada qaranka Somalia, howlgalka midowga yurub ayaa sidoo kale ka tagerayo dowladda Somalia dhanka tababarada ciidamada si wax looga baddalo ammaanka guud ee waddanka Somalia.

Howlgalka tababarada midowga yurub ee Somalia waxaa la aas-aasay bishii December sanadkii 2010 sababaha loo aas-aasay waxaa kamid ahaa caawinta dhanka tababarada ciidamadda iyo talo siinta waaxaha difaaca si ammaanka waddanka uu u noqdo mid xasiloon oo la isku halleyn karo.

Howlgalkan ayaa xafiis ka furtay magaalada Muqdisho sanadkii 2014 waxaana ka shaqeeya in ka badan 200 oo shaqaale ah oo uu hogaaminayo General Matteo Spreafico oo u dhashay waddanka Italy.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here