Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-shabeelle Xaaji Caadle, ayaa xilkii loogu qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Xuseen Cusmaan Cali iyo Xoghayihii dowladda Hoose degmada Beledweyne C/xakiin Maxamuud Xasan.
Xilalkaan ayaa loo kala magacaabay C/qaadir Maxamed Arwaax Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan , halka Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Beledweyne loo magacaabay C/risaaq Cali Weerar.


