Waxaa saakay dagan Xaaladda deegaanka Dhagaxleey ee Duleedka Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo ay shalay ku dagaalameen Ciidamadda Galmudug iyo Al-shabaab.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa deegaanka ku sugan Ciidamadda Galmudug,waxaana deegaanka isaga baxay Ciidamadii Shabaab ee shalay galinkii hore deegaanka la wareegay.
Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Dhagaxleey ee Duleedka Degmadda Gurceel ee Gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha Ceel Buur Maxamed Sheikh Maxamuud Maxamed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii shalay loogu adkaaday Al-shabaab,islamarkaana dhawaan laga saari doono deeganada ay ku sugan yihiin.
Dhanka kale Shabaab oo dagaalka ka hadlay waxa ay sheegeen in deegaanka ay la wareegeen,islamarkaana ay dagaalka ku dileen 3-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Maamulka Galmudug.

