Faah-faahin:-Diyaarado Ilaa Saakay Duqeynayay Koonfurta Gobolka Mudug

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn galinkii dambe ee shalay ka dhacday Deegaano ka Tirsan Degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeynta ayaa ka dhacday Tuulada Cadalay oo u dhexeysa Deegaanada camaara iyo Ceelhuur ee Koofurta Gobalka mudug.

Diyaaradaha ayaa duqeeyey laba saldhig oo ay Alshabaab ku lahaayeen heeraraha Caad, waxaa shalay galab 5:00 PM diyaarad dhowr gantaal la beegsatay xero ciidan deegaanka Maamiye, xiliga ay duqeyntaas dhaceysay ayaa la sheegay in saraakiil ka tirsan Alshabaab ay u qudbeynayeen ciidan ku sugan halkaas.

Sidoo kale xalay abaare 1:00AM saqdhexe ayaa markale diyaarado duqeeyeen Saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen meel u dhow magaalada Caad oo lagu magacaabo Kuluc, waxaana duqeyntaan socotay ilaa saaka aroortii.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday Gobolka Mudug.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Scroll to Top