Yaa ka Danbeeyay Dhimashada 4 Askari iyo Dhaawaca Taliye Gaadaay +Akhriso

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa Milatariga Qeybta Guutada Lixaad lagula eegtay gobalka Shabeellaha hoose.

Qaraxa ayaa ahaa kuwa Miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago, waxaana lala beegsaday gadiid ay la socdeen ciidamada Xooga dalka Qeybta Guutada Lixaad ee ka howlgasha gobalkaasi, xili ay marayeen wadada xiriirisa degmada Wallanweyn iyo deegaanka Warmaxan.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay dhawaqa qaraxaasi uu ahaa mid xoogan, balse uusan xaqiijin karin khasaaraha ciidamada katirsan dowladda ee qaraxaasi miino lala beegsaday.

War kasoo baxay Xarakada Al shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi, waxaana dhanka kale warka ay baahisay Idaacada Al shabaab faah faahin looga bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa.

“Qaraxa waxaa lagu dilay dilay 4 askari halka tiro kale lagu dhaawacay, waxaa sido kale dadka qaraxaasi ku dhaawacmay kamid ah sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Gaadaay oo ah taliye Hurin” waaa sida lagu qoray hadalkan Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here