Warar kala duwan ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo hada ku dhax maraya deegaanka Baarsanguuni dagaalamayaal katirsan Al shabaab iyo ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya ciidamada Dowladda gaar ahaan qeybta 43-aad ee ka howlgasha deegaanada iyo degmooyinka gobalada Jubbooyinka.
Dagaalka ayaa yimid sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, kadib markii ay ka war heleen in deegaanka Baarsanguuni ay weerar kusoo yihiin Xoogag katirsan Xarakada Al shabaab.
Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Salmaan Axmed Dhageey oo la hadlay Simba ayaa sheegay dagaalka inuu ka socdo deegaanka Baarsanguuni, una dhaxeeyo ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland, iyo Ciidamo katirsan Xarakada Al shabaab ee Soomaaliya.
Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Al shabaab oo ku aadan dagaalka la sheegay in looga hor tagay ciidamadooda oo doonayay iney weerar kusoo qaadaan deegaanka Baar Sanguuni ee G/ Jubbada Hoose.
Waxii Kusoo Kordha Kala Soco Facebook Radio Simba

