Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakol ayaa sheegaya in maanta degmadaas laga caliyay Tiro xildhibaano oo ka Tirsan baarlamanka soomaliya oo dooonayay in ay gaaraan degmadaas,
Ciidamo ka Tirsan kuwa maamulka Bakool sare ayaa la Tilmaamayaa in ay is Hor istaag ku sameeyeen xidlhibaanadaan maanta doonayay in ay gaaraan degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakol oo dhawaan loogu dhawaaqay maamul ka madax banaan maamulka koonfur Galbeed soomaliya,
Xildhibaanadan oo maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, ayaa waxay doonayeen inay Degmadaasi kula hadlaan dadka deegaanka, oo qaarkood saluugsan saami qaybsiga beelaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Dhankale xidlhibaano ka Tirsan isla baarlamanka soomaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka loogu diiday xildhibaanada ka Tirsan baarlamanka soomaliya in ay ku gaaraan degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakol.
Dhawaan ayay aheyd markii degmadaas loogu dhawaaqay Maamul ka madax banaan maamul koonfur Galbeed soomaliya,

