Goolhayaha kooxda Manchester United David De Gea ayaa sheegay in uu hamigiisa yahay in uu kooxda Manchester United kula guuleysto koobka Champions League.
Macalinka kooxda Manchester United Louis van Gaal’ ayaa ku guuldareystay in uu kooxda Manchester United kasoo gudbiyo wareega 32-da kooxood ee Champions League isagoona ka haray garoup ay ku jireen kooxaha Wolfsburg, PSV Eindhoven iyo CSKA Moscow.
Ninka reer Spain David De Gea oo Mudo badan ku sugan kooxda Manchester United ayaa sheegay in uu hamigiisa yahay ku guuleysiga koobka Champions League.

