Wariye Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa goordhaw waxaa ay gudaha magaalada muqdisho ku dhaawaceen wariye katirsanaa warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay in dhowr rasaas ay ku dhufteen gabar wariye ah oo ka howlgasha Idaacada Iyo TV Qaranka Soomaaliya.

Mid kamid ah shaqaalaha Idaacada dowladda ayaa Simba u xaqiijiyay dhaawaca  Wariye Farxiyo Mire Maxamuud oo ushaqeysa Warbaahinta Qaranka Soomaaliya, waxuu sheegay wariyaha hada in dhaawaceeda la dhigay mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Xiriiro aynu la sameynay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta dowladda ayaa inoo sheegay in dib waxii faah faahin donaan dhacdada dhacday iyo dhaawaca wariye  Farxiyo Mire cida ka danbeysay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here