Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shir ay isugu yimaadeen Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka “Pearls”.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirkaasi Waxaana Soomaaliya ay noqotay Dawladda Kaliya ee Afrika ka mid ah oo shirkaasi laga qeyb galiyay
Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliya ku ammaanay Hawlaha adag ee ay hayaan, iyaggoo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya u aqoonsaday inuu yahay Booliska ugu wanaagsan ee Afrika markii laga fiiriyey dhinacyo badan, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed.
Taliska dowladda ayaa ka warbixiyay inta uu socday shirkaasi arimaha booliska Soomaaliya.
“Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa shir ay isugu yimaadeen oo aan ka qeyb galay waxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay Booliska u wanaagsan Afrika, markii laga fiiriyey dhinacyo badan, Shirkaasi oo ka dhacay dalka Colombia, ayaa Soomaaliya waxay noqotay Dawladda Kaliya oo Afrika kamid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.
Halka Hoose Ka Daawo Sawiradda Shirka Ciidanka Booliska Aduunka “Pearls”.








