Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay sawirka iyo magaca ruux ay ku sheegtay inuu katirsanaa Alqaacidda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala Gobolka Jubbada Hoose.
Taliska ciidanka xooga dalka ee ka howlgala Gobolada Jubboyinka ayaa soo bandhigay ruux magaciisa lagu sheegay Xuseen Maxamuud, taliska ayaa intaa ku daray ninka la soo bandhigay dhanka Xoogaga Alqaacidda dhaxdoodana in looga yaqaanay Ramadaani oo uu hogaami jiray dagaalyahano katirsan Al shabaab gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanada iyo degmooyinka Gobolada Jubboyinka.
Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga ee qeybta 43Aad G/sare Ismaciil Shiikh Isxaaq oo la hadlay Warbhinta ayaa sheegay in sarkaal Xuseen Maxamuud Ramadaani isa soo dhiibistiisa ay timid, kadib wada hadal dhax maray ciidanka dowladda iyo sarkaal ramaadi.
Sarkaalka lasoo bandhigay ee dowladda soomaaliya sheegtay inuu sido kale kamid ahaa raga Al shabaab u qaabilsan dhanka arimaha amniyaadka iyo aruurinta xoolaha Alqaacidda sanad walba ay qaadaan.
Majirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Alqaacidda Soomaaliya oo ku aadan ninkan la sheegay inuu kamid ahaa xubnaha Alshabaab ee ka howlgali jiray deeganka Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.



