Police Kenya oo Sheegay in Dhalinyaro La Weysnaa ay Ku Biiraan Al-shabaab

0

Ciidamadda Police-ka Kenya ayaa shaaciyay sawirada dhalinyaro gaaraya 15 kuwaa oo mudooyinkii ugu dambeeyay la’ lasanaa kuwaa oo police ka Kenya ay sheegeen in laga cabsi qabo in ay ku biireen xarakada Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta deegaanka malindi ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay afduub loo geystay dhalintaasi iyagoona qoysaskii ay kasoo jeedeen ay ka dalbanayaan ciidamada Police ka Kenya in ay dib usoo celiyaan caruurtooda oo in muda ah kamaqan.

Qaar kamid ah ehelada Abdi Mohamed Shide oo lawaayay bishii hore kaa oo dukaan kulahaa deegaanka Kilifi ayaa waxaa ay sheegen in rag kuhubeysan bastooladdo isla markaana sida dharka ciidamada Amaanka Kenya la’aamin sanyahay in ay kuheystaan meel 10 KM ujirta deegaanka Kilifi oo aheyd goobtii kolhore laga soo afduubtay sidaasi waxaa wargeyska standard uxaqiijiyay qaar kamid ah ehelada wiilkaasi

Bishan june 3 deedii ay aheyd markii dadka kunool deegaanka Liboi oo udhow magaalada Gaarisa ayaa qabtay dibad baxyo waaweyn oo ay kaga soo horjeedaan afduubka loo geysanayo dhalinyarada kunool deegaanadaasi kuwaa oo qaarkood la sheegay in ay ganacsiyo kala duwan ay ku lahaayeen goobahaasi halka qaar kamid ah ay yihiin arday.

Balse hadalkan kasoo baxay laamaha amaanka dalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyaradaasi markoodii hore ay afduubteen alshabab balse la’aamin san yahay in ay sitoos ah ugu biireen xarakada alshabab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here