Col. Gebregziabher Alemseged Gabre ayaa laga ceyriyay shaqadii uu ka hayay urur goboleedka IGAD.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa lagu sheegay in Col. Gebregziabher Alemseged oo ahaa la taliyaha xagga siyaasadda ee IGAD shaqada laga joojiyay, taasi oo dhaqan-galaysa maanta June 25, 2018.
Gabre ayaa lagu amray inuu soo wareejiyo dhammaan waqaaraha iyo wax alle wixii shaqo ah.


