Dhageyso: Wasaarada Amniga Gudaha oo Faafaahin ka Bixisay Howlgalo Saakay Laga Sameeyay Qeybo kamid ah Degmooyinka Muqdisho

0

Kadib Holwgalo saakay laga sameeyay xaafado kamid ah degmooyinka xamar Jajab  iyo waabari ee Gobolka Banadir  ayaa waxaa Holwgaladaas ka Hadashay wasaarada amniga Gudaha dowlada soomaliya

Afahayeenka Wasaarada amniga Gudaha dowlada soomaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay siduu u dhacay Holwgalkii saakay laga sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha Waabari iyo xamar Jajab

Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa Tilmaamay in Holwgalkii saakay laga sameeyay Goobo lagu Tuhmaayay in ay ku sugan Yihiin dad falal amni daro ka Geysta Magaalada Muqdisho sidaas Darteed in Holwlgalkii saakay intiisa badan lagu guuleystay waa siduu Hadalka u dhigay Afahayeenka

Wasaarada amniga Gudaha dowlada soomaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii socon doonaan Howlgalada lagu xaqiijinaayo amaanka oo laga sameenayo qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Dhanka kale wasaarada amniga Gudaha ayaa ugu baaqday in shacabka soomaliyeed ay Muujiyaan dulqaad intuu socdo Howlgalka Madaama  inta badan la xirayo wadooyinka Hal bowlaha u ah Magaalada Muqdisho

Saakay ayay aheyd Markii Howlgalo Balaaran laga sameeyay qeybo kamid ah degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir kuwasoo dad badan lagu soo qabqabtay

Halkaan ka dhageyso codka Maxamed Yuusuf

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here