Kadib Holwgalo saakay laga sameeyay xaafado kamid ah degmooyinka xamar Jajab iyo waabari ee Gobolka Banadir ayaa waxaa Holwgaladaas ka Hadashay wasaarada amniga Gudaha dowlada soomaliya
Afahayeenka Wasaarada amniga Gudaha dowlada soomaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay siduu u dhacay Holwgalkii saakay laga sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha Waabari iyo xamar Jajab
Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa Tilmaamay in Holwgalkii saakay laga sameeyay Goobo lagu Tuhmaayay in ay ku sugan Yihiin dad falal amni daro ka Geysta Magaalada Muqdisho sidaas Darteed in Holwlgalkii saakay intiisa badan lagu guuleystay waa siduu Hadalka u dhigay Afahayeenka
Wasaarada amniga Gudaha dowlada soomaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii socon doonaan Howlgalada lagu xaqiijinaayo amaanka oo laga sameenayo qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho
Dhanka kale wasaarada amniga Gudaha ayaa ugu baaqday in shacabka soomaliyeed ay Muujiyaan dulqaad intuu socdo Howlgalka Madaama inta badan la xirayo wadooyinka Hal bowlaha u ah Magaalada Muqdisho
Saakay ayay aheyd Markii Howlgalo Balaaran laga sameeyay qeybo kamid ah degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir kuwasoo dad badan lagu soo qabqabtay
Halkaan ka dhageyso codka Maxamed Yuusuf

