War Deg Deg Ah:- Al-shabaab Oo Hareereeyay Degmada Ceelwaaq Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo

0

War goordhaw soo gaaray warabadka Idaacada Simba ayaa sheegaya in boqolaal katirsan Xoogaga Alshabaab ay kaabiga ku hayaan magaalada ceeelwaaq ee gobalka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in magaalada banaankeeda ay buux dhaafiyeen dagaalamayaal katirsan Xarakada Al-shabaab oo doonaya in gudaha ay usoo galaan degmada ceelwaaq ee gobalka Gedo.

Maamulka degmada oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa sheegay in ay ka war qabaan waxa ka socda hareeraha degmada Ceelwaaq, halkaasi oo la sheegay iney isku gadaameen ciidamo katirsan Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka nabad sugida degmada Ceelwaaq Xuseen Daahir Cali oo goordhaw la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in wadooyinka soo gala magaalada ay jareen ciidamo katirsan Al-shabaab, taliyaha ayaa intaa ku daray wadada ka imaata magaalada kismaayo iyo tan deegaanka Ceelcade iney kasoo galayaan dagaalamayaasha Al-shabaab oo uu sheegay iney doonayaan qabsashada degmadasi.

Xuseen Daahir Cali Taliyaha ciidanka nabad sugida degmada Ceelwaaq ayaa intaa ku daray in ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad ku sugan degmada ay isku abaabuleen ka hor taga ciidanka Al-shabaab ee kusoo wajahan magaalada, hadii ay ka war helaan awood xad dhaaf ah ay magaalada isaga bixi doonaan.

Dhanka kale Gudoomiye ku xegeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aadan oo isna la hadlay Simba ayaa sheegay iney maqleen gadiid fara badan oo ay wataan dagaalyahano kamid ah Al-shabaab iney kusoo wajahan yihiin gudaha magaalada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo.

Wararkii ugu danbeeyay ee halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in xaafadaha kala duwan ee degmada laga dareemayo saan saanta dagaal, laga yaabo iney isku badasho dagaal halkaasi ka dhaca.

Kala Soco Waxii Kusoo Kordha Dagaalka Laga Cabsi Qabo ka Dhageyso Warka Duhur Ee Idaacada Simba 1:00 Dhurnimo Xiliga Magaalada Muqdisho Ama WWW.simbanews.net

Dhageyso:- Codka Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Ceelwaaq Oo Simba La Hadlay

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here