Akhriso:- Iskaashi Cusub Oo Dhax Maray Jabuuti Iyo Soomaaliya “Sawirro”

0

Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Khayre oo ku sugan Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, C/qaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka intii uu socday ayaa isla gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin Xoojinta ammaanka, Hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga Kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka sheekeeyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladod, waxa uuna Jabuuti ku bogaadiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay abaal ay u hayso Soomaaliya mar walba aan ka go’i doonin qalbiyada Shacbiga.

labada Ra’iisul wasaare Kulanka ay yeesheen waxaa goob joog ahaa xubnaha wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale, iyada oo dhanka Jabuuti ay uga qeyb galeen Wasiirada Wafaafinta iyo Isgaarsiinta, Gaashaadhingga iyo arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa ayaa kulanka kadib booqday xarunta Fiber optica ee Jabuuti.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here