Rag Hubeysan Oo ka Tirsan Al-shabaab oo La Baadi Goobayo (Akhriso Magacyada)

0

Boliiska Dalka Kenya ayaa baadi goob ugu jira  Salim Aboud Sultri, oo loo yaqaan “Survivor” kaas oo la sheegay inuu yahay Nin Hubeysan oo khatarna ku ah ammaanka dalkaasi Kenya.

war kasoo baxay laamaha ammaanka Dowladda Kenya Todobaadkan ayaa lagu sheegay in Mr; Sultri uu ku dhuumaalaysanayay Masjidka , Mlango Wa Papa oo ku yaalla Magaalada Mombasa, kaasoo baxsady markii uu ogaaday in laga war helay, oo ay ku daba jiraan ciidanka amaanka Kenya.

Laamaha booliska ayaa sheegay in Salim Aboud Sultri , uu si dhow ula shaqeynayay Nin lagu Magacaabo, Ramadhan Rai Tsungu , kuna Magac dheer (Rambo) kaasi oo la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Booliska Kenya ayaa intaa ku daray in Labada Nin loo malaynayo  inay u socdaaleen Soomaaliya, Khatarna ku hayaan ammaanka maaddaama ay Hubeysan yihiin, oo weerara fulin kara.

Waxaa la adkeeyay goobaha lagu baaro Gaadiidka, waxaana feejignaan sare la geliyay laamaha ammaanka, iyadoo Dadka lagu war geliyay inay soo sheegaan haddii ay helaan xog ku saabsan Ragaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here