Shir Ka Dhacay Muqdisho Iyo U Diyar Garowga Shir Ka Dhici Doono Brussels (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayo Mashaariicyada horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shirka ka dhici doona Magaalada Brussels ee cariga Belgium-ka Bishan dhammaadkeeda, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan Waxaana ka qeyb-galaya qaar ka mid Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya, Madax ka socota Maamul-Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirka Waxyaabaha sida weyn looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah muhiimada ay u leeadahay Mashaariicda hormaruneed ee hadda laga wado dalka iyo qorshayaasha lala hortagi lahaa Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Belgium-ka inta u dhaxeysa 25—26 bishan June 2018-ka.

Xukuumadda Soomaalia ayaa dhawaanahaanba dadaal iyo diyaargarow ugu jirtay qaabkii iyo qorshayaashii lala hortagi lahaa shirka la Iclaamiyay ama loo asteeyay inuu ka dhaco Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka inta u dhaxeeysa 25 ilaa iyo 26-ka Juun ee sanadkan, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeybgali doona Wufuud ka kala socota Xukuumadda Soomaaliya, Maamul-goboleedyada Dalka iyo Xubno ka kala socda Beesha Caalamka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here