Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa xalay weerar qorshaysnaa waxa ay ku qaadeen Saldhig melleteri oo ciidamada maamulka Puntland ay ku lahaayeen duleedka Boosaaso.
Dagaalka shabaab iyo Ciidamdda Maamulka Puntland ayaa la sheegay in uu qaatay muddo saacado ah, islamarkaana Shabaab markii dambe ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Balli Khadar oo uu ku yaala saldhig Melleteri.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegeen saldhiggii Ciidmamadda Puntland.
Al-shabaab waxay sheegtay in dagaalka ay ku qabsatay 8 gaari oo nuuca dagaalka ah balse ay gubtay 7 baabuur halka gaari Tiknika ah ay kaxeysteen, sidoo kale Keydadkii hubka ciidamada Puntland ee saldhigga Balli Khadar waxaa daabushay ciidamada Al Shabaab ee ka howlgala Buuraha Goolis.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay duleedka Boosaaso ee xarunta Gobolka Beri.
Sidaan oo kale 17-ka Ramadaan sanaddii lasoo dhaafay,ayay shabaab u weerareen Saldhig Ciidamadda Puntland ku leeyihiin deegaanka Af Urur ee gobolka Bari.

