Ciidamadda Al-shabaab ayaa isaga baxay deegaanka Moqokari ee Gobolka Hiiraan,kadib markii shalay galinkii dambe ay dagaal kula wareegeen.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka shabaab ayaa saacado kooban gacanta ku hayay Saldhigii deegaanka iyo xarumihii maamulka,waxayna maqribkii kadib ay farujiyeen xarumihii ay la wareegeen.
Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Moqokari ee Gobolka Hiiraan ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay,madaama la jaray isgaarsiinta deegaanka.
Al-shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen 60-askari oo iskugu jiray askar iyo Saraakiil.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in illaa sedax gaari oo mid kamida yahay nuuca ciidamada xambaara ayay gacanta ku dhigeen ciidamada Al Shabaab.
Wali ma jiro Ilo Ka madax-banaan Al-shabaab iyo dowlada oo xaqiijinka khasaaraha ka dhashay Dagaalka iyo in Al-shabaab ay degaanka iskaga Baxeen.

