Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo,waxa ay ku dileen sheikh caan ka ahaa Degmadaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dhalinyaro hubeysneed ayaa toogatay Shiikh C/raxmaan Shariif oo si weyn loogu yaqaanay Degmadda, xili uu kasoo baxay masaajid ku yaala Xaafadda Buulo kuulow ee Degmadda Baarheere.
Allaha u naxariistee Sheekha ayaa la sheegay in Salaaddii Taraawiixda uusoo tujiyay jamaacada masaajidka.
Kooxihii ka dambeeyay dilka Shiikha ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana durbadiiba soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda dilkaan.

