Goolhayaha kooxda Totenham Hugo Lloris ayaa sheegay in uu ku sigtay in uu ka dhaqaaqo kooxda Totenham ka hor inta uusan imaanin ninka reer Argentine ee Mauricio Pochettino
Hugo Lloris oo ah kaptanka xulka dalka France ayaa dhawaan loo gacan galiyay in uu Noqdo Kaptanka kooxda Totenham isagoona qalinka ku duugay heshiis 5-sano kadib markii uu xili ciyaareedkii 2014-ka uu ku sigtay in uu ka dhaqaaqo kooxda isgaoona ku dhawaa Naadiga Manchester Unied.
Hugo Lloris oo saxaafada war kooban siiyay ka hor kulanka ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Evertoon ayuu ku sheegay in uu ahaa macalin Mauricio Pochettino mid kamid ah dadkii ku dheerigaliyay sii joogista kooxda Totenham ,

