Dhageyso:- Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo Goor dhaweyd ku Geeriyooday Magaalada Beledweyne

0

Midka kamid ah ugaasyadii uga caansanaa Gobolka Hiiraan ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday Gudaha Magaalada beledweyne   kadib markii uu wadnaha istaagay,

Si aan wax badan ugu ogaano geerida Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.  waxaan qadka Taleefanka kula xiriirnay mid kamid ah nabadoonada Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka soomaliya,

Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta Hiiraan oo qadka Taleefanka aynu kula xiriirnay ayaa ka warbixiyay geerida ku Timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo kamid ahaa dadka ugu caansan Gobolka Hiiraan.

Ugaas C/raxmaan Todobaadkii la soo dhaafay ayuu Magaalada ee Gobolka Hiiraan ka furay Shirka Samadoon 2 waxaana lagu waday maanta inuu soo xiro shirkaasi,

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.   Ayaa xilka Ugaasnimo hayay Mudo gaaraysa 14-sano isagoona xilka kala wareegay aabihiisa Ugaas Khaliif Ugaas Rooble waxaana Haatan socota qaban-qaabada lagu aasayo ugaaska.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here