Midka kamid ah ugaasyadii uga caansanaa Gobolka Hiiraan ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday Gudaha Magaalada beledweyne kadib markii uu wadnaha istaagay,
Si aan wax badan ugu ogaano geerida Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble. waxaan qadka Taleefanka kula xiriirnay mid kamid ah nabadoonada Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka soomaliya,
Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta Hiiraan oo qadka Taleefanka aynu kula xiriirnay ayaa ka warbixiyay geerida ku Timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo kamid ahaa dadka ugu caansan Gobolka Hiiraan.
Ugaas C/raxmaan Todobaadkii la soo dhaafay ayuu Magaalada ee Gobolka Hiiraan ka furay Shirka Samadoon 2 waxaana lagu waday maanta inuu soo xiro shirkaasi,
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble. Ayaa xilka Ugaasnimo hayay Mudo gaaraysa 14-sano isagoona xilka kala wareegay aabihiisa Ugaas Khaliif Ugaas Rooble waxaana Haatan socota qaban-qaabada lagu aasayo ugaaska.

