Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo Maanta Fulisay xukun dil ah+  Sawiro

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidanka Hay’ada Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya,

Askariga ka Tirsanaa ciidamada Nabad sugida ee  xukunka dilka lagu fuliyay ayaa la sheegay in uu Horey qof shacab ahaa ugu dilay Gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya,

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Xuseen Maxamed ayaa saxaafada sidaan u sheegay” taariikhu marki ay ahayd 04/07/2015 ay maxkamadda darajada kowaad ee ciidanka qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heysatay gacan ku dhiigle Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow oo 26 sano jir ah waxayna Maxkamadda ku xakuntay in uu bixiyo diyadii marxuum Maxamed Qaasim Barrow iyo xabsi ciidan.

Sidoo kale Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa yiri “Taariikhdu markii ay ahayd 12/07/2015 waxaa rafcaan ka qaatay xukunka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka  dhinaca dhibanaha, waxaana taariikhdu markii ay ahayd 19/09/2015 ay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida markale u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay gacan ku dhiigle Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow, waxayna ku xakuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamed Qaasim Barrow”

Dhanka kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa digniino u dirtay ciidamada ka Tirsan dowlada soomaliya oo mudooyinkii dambe caadeystay in ay dilaan dadka shacabka ah,

vlcsnap-2016-01-03-09h01m16s38 vlcsnap-2016-01-03-09h01m20s85 vlcsnap-2016-01-03-09h01m37s247 vlcsnap-2016-01-03-09h01m49s111 vlcsnap-2016-01-03-09h01m57s195 vlcsnap-2016-01-03-09h03m44s237 vlcsnap-2016-01-03-09h03m47s13

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here