Wasaaradda Amniga Gudaha  oo ka  Hadashay Qaraxii Maanta ka dhacay Maqaayada The Village

0

Wasiirka amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta dowlada Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka hadlay qaraxii Maanta ka dhacay Maqaayad Ku Taala Guriga hooyooyinka degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir,

C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in ujeedkii laga lahaa qaraxa lagu guuldareystay, isla markaana uu aad u yaraaday in qasaare intaa ka badan ay ka dhashaan falkii uu isku qarxiyay wiilka dhalinyarada ahaa,

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa dhankiisa  sheegay in horaanta sanadkan guud ahaan dalka laga saari doono Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in la joogteyn doono howlgallada ka dhanka ah ee xarakada Al-Shabaab,

saakay ayay aheyd Markii wiil dhalinyaro ahaa uu isku qarxiyay Maqaayada the Village oo dhowr jeeroo  Hore  uu qarax ka dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here