Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM Jeneraal Mohammedesha Zeyinu waxaana kulanka wasiirka ku wehliyay Taliyaha Ciidamda xoogga dalka soomaliyeed Maxamed aadan Axmed iyo saraakiil ka Tirsan ciidamada Midowga Africa amisom,
Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM Jeneraal Mohammedesha Zeyinu kala Hadlay dar-dar galinta Howlaha la dagaalanka xarakada al-shabaab oo wali ku sugan meelo kamid ah gobolada dalka soomaliya,
Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM Jeneraal Mohammedesha Zeyinu oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u Yihiin Taliska amisom ee soomaliya ka gacan siinta ciidamada dowlada la dagaalanka Xarakada al-shabaab. oo wali ku sugan meelo kamid ah Gobolada dalka soomaliya,
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa amaan badan usoo jeediyay Taliska amisom ee soomaliya madaama ay dowlada soomaliya ay ka gacan siiyaan la dagaalanka al-shabaab,





