Laamaha amaanka dalka kenya ayaa shaaciyey in ay fashiliyeen labo weerar oo ay Alshabaab damacsanaayeen in ay ka fuliyaan dalka Kenya inta ay socotay Munaasabada u dabaal daga sanadka cusub ee 2016.
Weerarka hore ayaa dowlada Kenya ay sheegtay in alshabaab ay ka fulin rabeen magaalada Mombasa goob habeenkii lagu caweeyo oo ay ka socotay u dabal daga munaasabada sanadka cusub.
Ciidamada ayaa ka war helay in alshabaab ay horay u qorsheeyeen weerarka lagu qaadi rabay Mombasa sidaasi waxaa yiri Francis wanjo taliyaha Kenya ee gobolka xeebta leh.
Weerarka labaad ee Kenya ay sheegtay in ay fashilisay ayaa ka dhicilahaa magaalada kilifi oo si la mid ah ay kaga socotay munasabad loogu dabaal dagayay sanadka cusub inkastoo magaladaasi horay ciidan xoogan ay Kenya u geysay.
Maalin ka hor dhalashada sanadka cusub ayaa magalada Mombasa hotel kuyaala laga soo xiray saddex nin iyo hub xoogan oo hotelka u yaalay waxaana Kenya ay Ragaasi ku sheegtay kuwa ka Tirsanaa al-shabaab oo doonayay in ay weeraro ka fuliyaan gudaha Kenya.

