Ciidamadda Dowladda iyo AMISOM oo Howlgal Ka Bilaabay Shabeelaha Dhexe

0

Howlgal ballaaran oo ka dhan ah Xarakadda Alshabaab ayaa ka bilowday deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe,iyadoo waqtiyadii ugu dambeeyey Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay fariisimo military ka sameysteen deegaanno dhowr ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolkaasi.

Goobaha ay ciidamadaasi saldhigyada ka sameysteen waxaa kamid ah deegaanada Gololey iyo Haanshiikh oo kamid ah goobahii ay ku sugnaayeen Ciidamadda Shabaab.

Saraakiisha ayaa ujeedka ay ciidamadaasi fariisinka uga sameysteen halkaasi ku sheegay in ay tahay ka hortaga weerarada Alshabaab ay ka geystaan waddooyinka inta lagu guda jiro safarka,kuwaasi oo shacabka ku dhibaateeya qaraxyada dhulka lagu aaso iyo weeraro gaadmo ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here