War Deg Deg:-Qarax Gaari Oo Goordhoweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu dhajiyay oo galabta ka dhacay  Xaafadda Xaawo-Taako degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in gaarigiisa loogu xirey shaqsi magacaiisa lagu soo koobay Carabow,waxaana la xaqiijiyay in dhaawac culus uu soo gaaray.

Qaraxaan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 3-ruux oo caruur a oo gaariga la saarnaa.

Carabow ayaa la sheegay in lugaha ay wax kasoo gaareen,islamarkaana loola cararay Goobaha caafimaadka magaaladda muqdisho.

Ilaa haatan lama oga sababta loo beegsaday shaqsiga oo warar ay sheegayaan in uu ahaa Nabadoon.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here