Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Kenya iyo Al-shabaab uu ka dhacay deegaanka faxfaxdhuun.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadda Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ka sameysteen deegaanka faxfaxdhuun.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,balse lama oga khasaaraha soo kala gaaray Ciidamadda kenya iyo Al-shaabab.
Deegaanka Faxfaxdhuun ayaa qiyaasti 70 KM ujirta magaalada Baardheere oo sanaddii lasoo dhaafay 2017 ay isaga baxeen kumanaan katirsan ciidamada Kenya.
