Farmaajo iyo Kheyre oo Booskii Jawaari La Doonaya Shakhsi ay Ku Ilaashadaan Xilkooda+Dhageyso

0

Siyaasiga C/raxmaan Xeyle oo ah xeeldheere taxliiliya arimaha siyaasada Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka iyo Raisalwsaaraha Xukuumada Soomaaliya ay doonayaan in booska Jawaari baneeyay ay keensadaan shakhsi ay ku ilaashadaan Kursigooda inta ka harsan muddo xiloodkooda.

Waxa uu sheegay in sababtii keentay in uu isku casilo Jawaari ay aheyd, in uu diiday ku shaqeynta amarka madaxtooyadda Soomaliya iyo Xukuumadda sida dhowr mar uu ku celceliyay.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyihii Hore ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka is ka casilay  si uu Baarlamaanka uga badbaadiyo burbur, iyadoo todobaadyo ay jireen xiisado siyaasadeed oo saameeyay hey’adaha dowladda.

Jawaari ayaa sheegay in maalinta bari ah uu istiqaaladiisa ka horgudbin doono Kulanka Baarlamaanka Soomaliya.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here