Diyaaradd Lacag Siday ee Garoonka aadan Cadde Lagu Qabtay+Sawirro

0

Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Boorsooyin ay lacag ka buuxdo oo diyaarad ay ka keentay dalka Imaaraadka Carabta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradda ay siday lacag gaareysa 13 milyan oo dollar, oo qeyb kamid ah loogu tala galay Ciidamada Puntland ee ay tababareen Imaaraadka Carabta iyo qeyb u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradda ay la socdeen illaa 30 askari oo Imaaraadka ah, waxaa markii ay soo degtay la isku qabsaday in la baaro waxa ay sido, hase ahaatee diblomaasiyiinta Safaaradda Imaaraadka Carabya ee Muqdisho ayaa diiday in la baaro, iyagoo ku dooday in xasaanad diblomaasiyadeed ay leeyihiin.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo arintaan ku baxay ayaa ku guuleystay xalinteeda, waana la fasaxay markii dambe Boorsooyinka ay lacagta ka buuxdo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here