Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, C/weli Shiikh Ibraahim Muudey ayaa farriin uu u diray Xildhibaanada ku sheegay in maalinta berri ah Saddex Saac Xildhibaanada ay u fariisan doonaan Mooshinka laga keenay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Fariimahaan loo diray mudanayaasha ayaa lagu soo beegay iyadoo wali Villa Soomaaliya uu ka jiro mashquul waan waan ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari.


