Taliyaha cusub Ururka 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gashaanle Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey.
Munaasabadd ka dhacday Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha ugu Sareysa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, Abaanduulaha Ciidamadda Xoogga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale.
Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay 5-tii bishaan kadib markii lagu eedeeyay In uu ku fashilmay in Ciidamadda madaxtooyadda Soomaaliya ka hor istaago in ay galaan Xarunta Golaha Shacabka maalinimadii arbacada aheyd.



