Maxkamad ku taalo gudaha dalka Ingiriiska ayaa xukun ku riday Aweys Shiikheey, oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu qorsheenayay dilka boqorada Ingiriiska.
Aweys Shiikheey oo 38-jir ah, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu xiriir la’lahaa kooxda la magac baxday khilaafada Islaamka ama (Daacish), ayadoona sirdoonka Brighton ay fashiliyeen qorshe uu doonayay in uu ku qaarijiyo boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth II, iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi David Cameron.
Aweys Shiikheey, oo asal ahaan ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa heesta dhalashada dhalashada dalka Holland, ayadoona maxkamad ku taalo caasimadda London ay ku xukuntay 8,sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay cadeemo muujinaya dambiyadii uu galay.
Booliska Uk ayaa sidookale war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in haweeney lagu magacaabo Raaqiya Xusseen, ay ku dhiira galisay Aweys in uu ku biro kooxda Daacish, ayadoona u balanqaaday sida ay booliska sheegeen haddii uu ku biro Daacish, in ay is guursan doonaan.
Sikastaba ma’ahan markii ugu horeysay oo dacwad lagu soo oogo muwaadin Soomaliyeed oo ku nool gudaha Brighton, ayadoona hadda ka hor dhowr jeer lamax kamadeeyay Soomaali farabadan oo lagu soo oogay in ay ku biiri rabeen kooxada Daacish iyo Al-Qacida.

