Kulanka Xildhibaanada Aqalka sare ee dalka ayaa waxaa maanta soo Xaadiray 37 sanator, waxaana shir Goddominayay Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
Ajandayaasha Kulanka ayaa waxaa ay ahaayeen.
1-Warbixin Laga dhageysatay Safiirka Soomaaliya Ufadhiya Midowga Yurub.
Ka doodista iyo Ansixinta Qorshaha Howleedka Kala Fadhiga 3aad Ee Golaha Aqalka sare.
Ugu Horeyntii Xildhibaanada Aqalka sare ayaa Warbixin Ka dhagestay Safiirka Soomaaliya ufadhiya Midowga yurub Dr. Ali Said Faqi
Warbixinta Laga Dhageystay Safiirka inteeda badan Waxaa uu kaga hadlay Xaalada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaatesan dalka Liibiya.
Safiirka ayaa rajo yari ka muujiyay in dhalinyarada Soomaalida ee kunool dalka liibiye in lagu soo Celiyo dalka, waxaana Safiirka uu xusay marka dhalinyarada La weydiiyo Sababaha ay dalkooda in dib loogu soo celiyo u diidayaan ayuu safiirku ku sheegay in dhalinyarada ay Dowlada ka tabanayaan Tacadiyo iyo dhibaatooyin dalka gudihiisa ay kala Kulmeen.
Intaasi kadib Xildhibaanada Aqalka sare ayaa Safiirka Su’aallo dhowr ah ka weydiiyay dhalinyarada liibiya Sida Magafayaasha Lacagaha laiskugu dhaafiye iyo Cida Ka isku xariiriso.

