Dowladda Soomaaliya oo Kala Qaaday Ciidamo ku Dagaalamay Muqdisho

0

Saraakiil hore iyo kuwa Hada ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya  ayaa maanta ku guuleystay in la kala qaado Ciidamada ku dagaalamay agagaarka Xerada Saban-saban ee Degmada Deyniile halkaasi oo Shalay ilaa Xalay uu ka socaday Dagaal Sababey Dhimasho iyo Dhaaawacsoo gaartay Dhinacyadii dagaalamay iyo Dad deegaanka.

Xuusen Maxamuud Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dagaalku uu dhexmaray ayaa Idaacada Simba u Sheegay in Maanta la kala qaaday Ciidankii Dirirtu dhexmartay, Islamarkaana ay qaadeen Baaqyadii Mas’uuliyiinta Wasaarada Difaaca iyo Saraakiisha hore ee Ciidamada Dowlada in kastoo uusan Xusin Qodobo lagu heshiiyey.

Saacadihii la soo dhaafay dadka ku nool Xaafadaha ku xeeran Xerada Sabansaban ayaa ku jirey Xaalada Dagaal iyo Fowdo ay wadaan Maleshiyaad wata Astaan qaran una abaabulan qaab qabiil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here