Wasaarada Difaaca Kenya Oo War ka Soo Saartay Weerar ka Dhacay Duleedka Dhoobley

0

Ciidamada difaaca dalka Kenya oo shegay in ay dileen Ciidamo katirsan  Al-shabaab kuwaa oo weerar ku qaaday kolonyo katirsan ciidanka Kenya ee qeybta  ka ah howl galka midowga  Africa ee Amisom.

Afahayeen uhadlay ciidanka difaaca dalka Kenya ee qeybta ka ah howl galka midowga Africa ee amisom oo uwaramay  wakaalada wararka ee AP ayaaa sheegay in  Xarakada Al-shabaab ay weerar kusoo qaaden kolonyo katirsan ciidanka dalka Kenya kuwaa oo marayay inta u dhaxeesa degmada Dhoobley iyo deegaanka Taabto oo ka wada tirsan gobalka Jubbada hoose.

Afhayeenka ayaa dhanka kale carabaabay in gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa ay kusoo weerareen kolonyadaasi, balse majiraan dhawacyo halis ah ee soo gaaray ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howl galka midowga Africa ee Amisom, isagoona dhanka kale kale sheegay ciidamada weerarka sooqaday ee Al-shabaab in ay ka dileen tiro askar ah, iyagoona kuwa kale gacanta ay kudhigay oo kamid ahaa askarkii weerarka kusoo qaaday kolonyadaasi waa sida uu sheegay afhayeenka ciidanka midowga afirica ee Amisom gaar ahaan qeybta dalka Kenya ee ku sugan deeganka dobley ee G/ jubada hoose .

Dhanka kale xarakada alshabab ayaa sheeganaya in guulo waaweyn ay ka gaareen weerarkaasi iyagoona sida ay sheegeyn gubay gaari nuuciisu uu yahay taw ama gawaarida gaashaaman ayna ku dileen weerarkaasi askar katirsan ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howl galka midowga Africa ee Amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here