Dowladda Jarmalka Oo Ciidamadeeda kala Baxday Soomaliya

0
Ciidamo Ka Tirsan Kumaandooska Dowladda Jarmalka

Ciidanka Jarmalka ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay howlihii tababarka Milliteri ahaa ee ay ka wadeen Soomaaliya Siddeeddii Sanoee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Dalkaasi.

Jarmalka ayaa Maalin ka hor sheegtay in howlaheeda tababarrada iyo la talinta xagga Ciidamada Soomaaliya ee ay ka wadday Soomaaliya u weecin doonto gargaarka iyo Gacan ka geysashada arrimaha Bini’aaddannimada.

Ciidamada tababarayaasha Jarmalka oo aan tiradooda la shaacin ayaa qayb ka ahaa howl-galka midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaasoo tan iyo Sanaddii 2010-kii ku sugnaa Soomaaliya, iyagoo tan iyo xilligaa  soo tababaray 5,600 oo Askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here