Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya iyo khilaafka haatan hareeyay hogaanka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay dabada ka riixayaan madax ugu sareysa dalka, sida laga dheehan karo hadalo kulul oo ay hawada isu marsiiyeen.
Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka jiro jaho-wareer iyo fowdo , sidaas darteed ay adag tahay in Soomaaliya lagala hadlo aqoonsiga Somaliland, waxaanu caddeeyey in madaxweynaha Soomaaliya aanu metelin dadkiisa una baahan yahay askar shisheeye oo ilaaliya naftiisa, sidaasi darteed wax wada xaajood aysan la gali Karin. sida uu yiri M/ Soomaaliland.
“Madaxweynaha soomaliya isaga ayaaba u baahan cid naftiisa bad baadisa, maba kala hadli karno arimo quseeya aqoonsiga Somaliland”. sida warbaahinta uu u sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Madaxweyne Muuse Biixi oo sii hadlayay ayaa intaa ku daray inuu doonayo in Somaliland marto nidaamkii ay isticmaali jireen dalalka Asia sida Philippine, India, iyo Thailand, oo dibadda u diri jiray dad takhakhus xirfadeed leh, waxaanu ku dooday in dadka reer Somaliland ay yihiin qaar xirfadoodu sarrayso oo ku fiican wax kasta oo ay qabanayaan, xitaa hadey ahaato dhanka u olaleynta aqoonsiga Somaliland.
Wareysiga madaxweynaha Soomaliland oo dhinacyo badan taabanayay ayaa waxuu sido kale soo hadal qaaday inuu doonayo inuu wax ka qabto saboolnimada,waxaanu intaas ku daray in 27 sannadood oo aqoonsi aanay helin Somaliland iyo 10 sannadood oo ka horeeyey oo ay la diririyeen taliskii Maxamed Siyaad Barre, arintaasina ay horseeday in dhulka Somaliland ay kaga tageen saboolnimo.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku soo gabogabeeyay wareysigiisa oo dhinacyo badan quseeyay Inuu madaxweynaha Soomaaliya maxamed C/llaahi Farmaajo ula dhaqmayo dadka ku dhaqan gobalada Waqooyi, sidi taliskii Militariga ee uu ula dhaqmay 1988, dhanka koofur Soomaaliya uu ka abaabulayo madaxweyne Farmaajo, tilaabooyin horseydi kara dagaalkii muqdisha ka qarxay ee xukunka looga riday awoodii kaligii taliska xukuumadii meletariga ee xiligaasi ka talineysay Soomaaliya.

