Madaxweynaha Mareynkanka oo War Ka Soo Saaray Al-shabaab Iyo Burcad Badeeda Soomaaliya

0

Madaxwenaha Mareynkanka Donal Trump, ayaa saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah AlQaacidada Somaaliya ee  Al-Shabaab,sidoo kalena lagu ciribtiro kooxaha Burcad badeeda ee qatarta ku ah amniga marin biyoodka Soomaaliya.

Amarka xaaladda deg deg ah oo Mareynkanka Soomaaliya saaray sanadkii 2010-kii ayaa hadda waxay dhaceysaa bisha May ee soo socota,sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka cad ee Mareynkanka.

Bayaanka ka soo baxay Mareynkanka ayaa lagu sheegay in xaaladda deg deg ah ee ugu horeysay lagu dhawaaqay sanadkii 2010-kii,waxaana la kordhiyay dhowr jeer sababo la xiriira weerarada Burcad badeeda ka jira xeebaha Soomaaliya iyo Dagaalyahanada Al-Shabaab oo kordhay.

Warka kasoo ka soo baxay Aqalka cad ayaa waxaa mudo hal sano ah lagu kordhiyay xaaladda deg deg ah ee lagu doonayo in lagu ciribtiro Xogaga Al-Shabaab oo wali ku xoogan qaar kamid ah gobalada dalka.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM iyo ciidanka gaarka ee Mareykanka ayaa dadaal ugu jira sidii looga adkaan lahaa Al-Qaacidda Soomaaliya ee Al-shabaab oo inta badan weeraro  ku qaada saldhiggyada ciidamada midowga afrika iyo kuwa Soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here