Xubanaha Beesha Caalamka ayaa maanta wada dadaaladii kugu danbeeyey ee ay Xal ugu raadinayaan Xiisada Siyaasadeed ee ka Taagan Soomaaliya oo walaac ku abuuray Wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya.
Wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, Urur Gobaleedka Bariga Afrika ee IGAD, Midowga Yurub,Midowga Afrika,Maraykanka,Uk.Talyaaniga,Itoobiya iyo wadamo kale oo dalka Turkiga uu ka mid yahay, ayaa maanta la Filayaa inay soo gaaraan Magaalada muqdisho si ay kulmo u la qaataan Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya oo ay ka la hadlayaan Xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Baarlamaanka.
Xubnaha Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan Xalaada Cakiran ee ka taagan Soomaaliya taas oo hadii aan xal dag dag ah loo helin meesha ka saareysa, higsiga Soomaaliya iyo Horumarkii sanadihii danbe laga sameeyey dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha iyo Siyaasada Hanaanka Dowliga ah ee Soomaaliya.
Beesha Caalamkau waxaa ay Taageersan yahay in wax walba oo la isku khilaafsan yahay in lagu dhameeyo isfahan, ayadoo la tixgalinayo Xasiloonida Wadanka iyo Sareynta Sharciga si taas loo helana waa in Madaxda Soomaalidu ay Sameeyaan isku Tanaasul iyo inay ka fogaadaan duminta hay’adaha Sharci dajinta iyo Fulinta Dalka

