Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliy S/Gaas C/weli Jaamac Gorod oo Warbaahinta ku la hadlay Muqdisho ayaa Sheegay in uu Xabsiga dhigay Askartii Shalay Hubka la galay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Generaal C/weli Gorod ayaa Sheegay inay nasiib daro a tahay in Ciidanka Xooga ay qaadaan tilaabo Sharci-daro ah, ayaga oo gacansiinaya Shaqsiyaad wada Fowdo siyaasadeed, hadalkaasi oo u muuqda in uu ku socdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo lagu eedeeyey in uu Xoog ku qabsaday Xarunta Golaha Shacabka, asaga oo adeegsanaya Askar Hubeysan oo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Guud Ciidanka Militariga Soomaaliya Gorad ayaa sidoo kale tilmaamay inay ku dabo jiraan Koox Maleeshiyaad ah oo soo xirtay Dariiska Ciidanka Qaran islamarkaana qeyb ka qaatay qabsashadii shalay ee xarunta Baarlamaanka kuwaasi oo gacansiinayey Gudoomiye Jawaari.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo dhankiisa Shir-jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Dowladdu ay xarunta Golaha Shacabka ku soo weerartay Ciidankii Qaranka ee loo diyaariyey Dagaalka Al-shabaab.

