Jawaari:-“Jawaari oo Qabsada G-Shacabka, Waa Farmaajo oo Qabsaday Villa Somaliya”,

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qalalaasihii maanta ka dhacay Xarunta golaha Shacabka Soomaliya.

Jawaari ayaa beeniyay in Ciidamo isaga daacad u ah ay la wareegeen  xarunta Baarlamanka Soomaliya, isagoo arintaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

“Waxaan idin weydiinayaa 11 askari oo dhar cad ah meel lagu qabsan karaa, Jawaari ayaa qabsaday Xarunta golaha shacabka waxay la mid tahay, Madaxweynaha ayaa qabsaday Villa Somalia, maxaa yeelay xarunta golaha shacabka anigaa ka taliya” ayuu yiri Jawaari oo intaas ku daray in wararka sheegaya inuu qabsaday xarunta Baarlamanka ay yihiin kuwo ay faafiyeen xildhibaanada isaga horjeeda.

Dhanka kale Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay go’aanadii kasoo baxay Talisyadda Ciidamadda Dowladda, ayaa go’aanadaas ku tilmaamay kuwa ay gadaal ka riixayso Xukuumadda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here