War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax ayaa caawa waxa uu ka dhacay Xaafadda Sanca Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka banaadir.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay bartilmaameedkiisa inuu ahaa Gaari Ciidan oo wadada marayay, balse gaariga markii uu gudbay qaraxa dhacay sida goob-joogayaal ay inoo sheegay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka ak dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, 10-qof ayay waxyeelo kasoo gaartay qaraxaan ka dhacay Xaafadda Sanca

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya, oo xirey wadooyinka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here