Taliyayaasha Ciidamada Dowladda oo Shaaciyay Cida La Wareegtay Golaha Shacabka

0

Taliyeyaasha Ciidamada Nabad Suggida, Booliska, Asluubta iyo taliyaha ciidanka Xoogga soomaaliya  oo maanta si wada jir ah shir’jaraid magaalada muqdisho ugu qabtay ayaa waxey kaga hadleen waxa ka dhacay xarunta golaha shacabka ciidankii maanta la wareegay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Bashiir Cabdi Maxamed  Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in ciidamada qabsaday xarunta Golaha Shacabka ay wateen hubka nuucyadiisa kala duwan, islamarkaana ciidamadii ilaaladda ka ahaa xarunta ay siidaayay ciidamadaasi iyaga oo awooda iney ka hor tagaan ay sii dayeen si looga fogaado gacan ka hadal sababi kara dhimasha iyo dhawaac kala gaara ciimada oo kawada tirsan dowladda.

Waxaa uu sheegay in Mas’uuliyadda wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka uu leeyahay Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cawad, sida hadalka uu u dhigay Taliyaha ciidamada Booliska.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa sheegay in baaritaano lagu sameyn doono ciidamadda qabsaday xarunta Golaha Shacabka, waxaana uu eedeyn u jeediyay Guddoomiye Jawaari.

Shacabka magaalada muqdisho ayaa isha ku haya sida wax ay u socdaan iyo Qalalaase Siyaasadeed xoogan ayaa ka taagan magaalada, marka loo eego sida xaaladda ay tahay iyo Xildhibaanada oo laba koox kala ah, kuwa taagersan gudoomiye Jawaari iyo kuwa dabada ay ka riixeyso xukuumada Somaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here